Ilhaan Cumar oo lagu caddeeyey go’aamo is burrinaya oo ay ka qaadatay Afghanstan (Ma aha markii 1-aad)

0
WASHINGTON, DC - JANUARY 10: U.S. Rep. Ilhan Omar (D-MN) listens during a news conference on prescription drugs January 10, 2019 at the Capitol in Washington, DC. Congressional Democrats held a news conference to introduce a legislative package "that would drastically reduce prescription drug prices in the United States." (Photo by Alex Wong/Getty Images)

(Washington) 18 Agoosto 2021 – Xildhibaannadda Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada oo ka tirsan Koongarayska Maraykanka ayaa markale lagu qabsaday qaadista tillaabooyin is diiddan.

Ilhaan Cumar ayaa soo jeedisey in la qaabilo qaxootiga kasoo cararaya dalka Afghanstan, taasoo ay weliba ku tilmaantay fursad ay tahay in laga faa’iidaysto.

Yeelkeede, dadku lama soo daahin inay Ilhaan ku caddeeyaan inay runtii ka mid tahay xildhibaanno fara ku tiris ah marka laga hadlayo kuwa Dimoqraadiga oo ka codeeyey sharci dalkaa loogu ogolaan lahaa 2.1 bilyan oo doollar oo dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga Afghanstan.

Waxay ka mid ahayd 6 Xildhibaan oo Dimoqraadi ah oo rajaxayey diidmada Jamhuuriga ku jira Aqalka Wakiillada oo sharcigan ka wada codeeyey markii Aqalka la keenay 22-kii Luulyo.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay Ilhaan Cumar ku dhaqaaqdo go’aamo is diidaya, iyadoo beri dhowayd u codaysay miisaaniyad dhan $3.3 bilyan oo doollar oo ay Washington Israel u siinayso si shuruud la’aan ah, taasoo ay diidanayn horraantii sanadkan.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale dabayaaqadii 2019-kii dadka la wadaagtey inay ”ku faraxsan tahay inuu Maraykanku Somalia ka cafiyey qaantii uu ku lahaa”, balse waxaa in yar kaddib soo baxday inay sharcigaa laftiisa ka codaysay, taasoo ay dad badani la yaabeen.

Hadalsame Media