Goorma ayuu Leo Messi safanayaa kulankiisa koowaad isagoo xiran funaanadda PSG?

0

(Paris) 18 Agoosto 2021 – Hilinka Ciyaaraha ee Sky Sports ayaa sheegay in halyeeyga reer Argentina uu kulanka 1-aad u dheeli doono kooxdiisa cusub ee PSG 29-ka Agoosto, kaddib markii uu kasoo wareegey kooxda Barcelona.

Sky ayaa intaa raaciyey in Messi oo ka xiddigeeyey guushii xulkiisa Argentina oo hantay Copa America oo ay Brazil ka qaadeen, uu 3 jeer tababar la qaatay kooxda Mauricio Pochettino ee PSG.

Jookarkan kubadda ku falan ayaa ilaa haatan seegay 2 kulan oo Ligue 1 ah, iyo sudoo kulankii Champions Trophy ee ay ka qaadday kooxda Lille.

Messi ayaa sidoo kale seegi doona kulanka Jimcaha ee ay kooxdiisu u safrayso Brest si uu u diyaariyo fayaqabkiisa jireed, balse ugu dambayn waxay taageerayaashu kulankiisa 1-aad daawan karaan 29-ka bishan Agoosto.

PSG oo suuq xagaagan ka xiddigaysay ayaa soo qaadatay laacibiinta Messi, Sergio Ramos, Gianluigi Donnarumma iyo Gini Wijnaldum oo gebigood wada bilaash ah iyo Hakimi.

Hadalsame Media