Daalibaan oo war cad kasoo saaray waxa ay ka qabaan inay DUMARKU ka qayb galaan dowladda ay dhisayaan

0

(Kabul) 17 Agoosto 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa mar kale ku celisey “cafis” ay u fidisay dadka reer Afghanistan iyagoo weliba dumarka ugu baaqay inay kasoo qayb galaan dowladdooda, iyagoo tillaabadan u qaaday inay dejiyaan dadka welwelsan kaddib markii ay Axaddii la wareegeen caasimadda Kabul.

“Imaaradda Islaamiga ihi ma doonayso in ay haweenku dareemaan inay dhibanayaal yihiin. Annaga oo ilaalinaynaa sharafta iyo qiyamka sidoo kale waxaan ku baaqnay cafis, xitaa dadkii ka tirsanaa maamulkii dhacay ee aqbala nidaamka Islaamiga ah.” ayuu yiri Enamullah Samangani, oo xubin ka ah Guddiga Dhaqanka Daalibaan, oo markii ugu horreeysey ka hadlay dowladnimada.

Afhayeenka Guud ee Daalibaan ee Suhail Shaheen oo Dooxa ka hadlayey ayaa horay u ballan qaaday inaysan wax u wadi doonin sida laga filayo oo ay dhisi doonaan dowlad u shaqaysa dadka Afghanstan oo ay dumarku door ku leeyihiin, iyagoo sidoo kale sidoodii u wadan kara waxbarashadii iyo shaqooyinkii ay hayeen.

Dhanka kale, waxaa soo noqday duullimaadyadii daad guraynta ee ka soconayey caasimadda Afghanistan iyadoo ay saraakiisha amaanka ee reer Galbeedku ay Reuters u sheegeen in shacabkii kumannaanka ahaa ee dhex yaacayey gudaha garoonka Kabul laga saaray halkaasi, taasoo ay sameeyeen ciidamada Maraykanku.

Daalibaan ayaa sheegtay inuu dhamaaday dagaalkii Afghanistan iyagoo kaliya sugaya bixitaanka dadka la daad gureeynayo si ay deeto ugu dhaqaaqaan dhismaha dowlad cusub.

Hadalsame Media