
(Hadalsame) 16 Agoosto 2021 – ARAGTIDEYDA IYO AAYAHA AFGANISTAN.
Taalibaan-ka saacadaha soo socda la wareegi doona guud ahaa talada dalka Afganistan, waxaan filayaa in iyaga iyo Alqacidda kala bixi doonaan oo labada midda dambe iyo waxoogaa xagjirka tan hore ka mid ah ay bannaanka istaagi doonaan.
Waxaa imaan doonta in Taalibaan ka hadda isku dhex jira kala miirmaan oo u kala qeybsamaan laba kooxood oo magaca mujaahidiinta wada sita. Qofka Soomaaliya joogana uu si fudud ku xasuusan doono midowgii Maxaakiimta ee u kala baxay qolo lala macaamili karo iyo kuwo mayal-adag oo Shabaab noqday.
Kaddib marka dowladda yar ee Qatar la xiriirkooda loo maro ayna dabacsanaan muujiyaan, waxaa laga yabaa in Reer-galbeed ku aqoonsi buuxa siiyaan dowladda Afganistan ee ay Taalibaan hoggaamiso.
Meelaha ay tahay inay kasoo dagaanna waxaa ugu horreeya xuquuqda dumarka dalkaas oo Taalibaantii hore ka mamnuucday waxbarashada iyo xayiraado kale oo la saaray iyada oo loo cuskaday fasir Diineed xambaarsan aragti xag-jir ah.
Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen
Hadalsame Media