Maxay khatar ku yihiin gawaarida gaashaaman ee KIRPI ee shalay la siiyey Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2021 – Turkiga oo shalay Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyey gaadiid ciidan oo iskugu jira 22 gaari oo ay 8 ka mid ihi yihiin nooca BMC Kirpi iyo 14 ah gawaarida waawayn ee ciidanka.

Gaadiidkan dagaal ayay Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia ugu deeqeen dalka Turkiga oo gacan wayn ka gaysta dib u dhiska ciidanka Somalia.

Gawaaridan gaashaaman oo ah nooca aadka ugu gigsada weerarrada ku dhufoo ka dhaqaaqda iyo miinooyin dhuleedka isla markaana ku fiican halisaha baalistigga ah, ayay iminka aad ugu baahan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo aan sidii la doonayey u dhisnayn una qalabaysnayn.

Kirpi waxay leedahay dhowraarintii caadiga ahayd ee loogu tala galay gawaarida gaashaaman oo difaac kale lagu sii kabay.

”Gawaaridan ka kooban 8 KİRPİ oo si buuxda ugu gaashaaman hannaan ka celinaya miinooyinka gaadmada ah iyo 14 gaari ayaa loogu deeqay Ciidanka Xoogga Somalia,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Turkiga oo horay Somalia u siiyey 12 Kirpi.

Ciidanka Somalia ayaa u baahan dhisme salka ku haysa siyaasad fogaan arag iyo dan qaran oo ka duwan midda sanadihii dambe oo waloow la isku dayey in ciidanka dib loo qaabeeyo misna ay dhadhankii ka dishey muranno siyaasadeed iyo tillaabooyin kursi jacayl ah oo loo adeegsadey ciidanka oo ay u taallo howl taa aad uga muhiimsan, balse loo baahan yahay hoggaan aan anaani ahayn oo taa garta.

Hadalsame Media