(Kabul) 15 Agoosto 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay caasimadda Kabul oo ahayd halkii ugu dambaysey, waxaana Madaxtooyada dalkaasi la wareegtey kooxdaasi iyadoo uu cararay MW Ashraf Ghani oo Afghanistan u dhaafay dhanka Tajikistan, waloow uusan isagu kashifin halka uu aadey.
Waxay taasi soo afjaraysaa 20-sanadood oo dalkaa lagu tijaabinayey nidaam dibedda looga keenay oo sida muuqata ku fashilmay inuu shaqeeyo xitaa hal bil kaddib bixitaankii ciidamada shisheeye.
MW Ghani ayaa Facebook kusoo qoray inuu dalka uga cararay si uu u badbaadiyo dhiig badan oo ku daadan lahaa caasimadda Kabul, haddii uu sii joogi lahaa, balse dad badan ayaa qaba inuu tiisa badbaadiyey. Waxaa taa taageeraysa taariikhda.
Dadku waxay is waydiinayaan Ashraf Ghani iskama cararin ee wuxuu ogyahay casharkii Madaxwaynihii isaga ka horreeyey ee Mohammad Najibullah Ahmadzai oo ahaa madaxwaynihii ugu dambeeyey ee ku socdey nidaamka Cilmaaniga ah, kaasoo waloow uu xilkii iska casiley amaba xilkii laga tuuray 15-kii Abriil 1992-kii, isagoo xilka hayey tan iyo 1986-kii.
Najibullah ayaa ku tashanayey saaxiibkii Abdul Rashid Dostum oo ahaa hoggaamiye kooxeed uu naas nuujin jirey oo Uzbek ah qoowmiyad ahaan, balse wuu ku ballan furay isagoo uga dhaartay inuu diyaarad ugu baxsado dalka Hindiya oo ay qoyskiisu uga sii horreeyeen, kaddib markii uu hoos kala heshiiyey Ahmad Shah Massoud.
Najibullah oo ka cabsaday in haddii uu Madaxtooyada ku noqdo in halkaa lagu soo weeraro wuxuu magangalay xarunta QM ee Kabul, halkaasoo uu ku jirey tan iyo 1996-kii, goortaasoo ay halkaa kala soo bexeen kooxda Daalibaan.
Waxay ahayd fiidkii 26-kii Sebtembar 1996-kii, waxayna nafta uga qaadeen jirdil ay xitaa ku jirtey, sida la sheego, in la dhufaanay waxaana markii dambe maydkiisa laga soo daldaley gaari qallaabi ah oo lasoo dhigay jidadka Kabul.
Walaalkii Shahpur Ahmadzai, ayaa sidaa oo kale loo galay.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media