Ciyaaraha Puntland oo lagu wareejiyey Xiriirka Somalia & goorta dib loo bilaabayo

0

(Garoowe) 15 Agoosto 2021 – Horyaalka Puntland ayaa u muuqda mid ugu dambayn la dhaqaajin doono oo dib loo bilaabi doono kaddib muranno keenay inuu istaago xilli uu marayey heerka nus-dhamaadka.

Xogo maxalli ah oo naga soo gaaraya magaalada Garoowe oo ah caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciyaaraha dib loo bilaabi doono saadanbe oo Talaado ah oo ay wada dheelayaan kooxaha gobollada Sanaag vs Nugaal iyo Bari vs Sool.

Xulka Sanaag ayaa horay tartanka uga baxay iyadoo dhibcihiisa qaab forfeit ah lagu siiyey kooxda Nugaal, waxaana muranku soo maray heerar kala geddisan, balse haatan waxaa la sheegayaa inay wada ogolaadeen in Talaadada ay is wajahaan si loo go’aamiyo tii soo bixi doonta waana wareegga 8-da.

Waxaa la sheegayaa in Xiriirka Kubadda Cagta Somalia uu maamuli doono cayaaraha koobka inta kulan ee ka haray, maadaama oo la kala direy xiriirkii goboleed ee kubadda cagta Puntland, sida ay sheegayaan ilo maxalli ihi.

Hadalsame Media