AMISOM oo baaritaan ku bilowday dad rayid ah oo lagu eedeeyey inay si arxan darro ah u laysay

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2021 – Dad shacab ah oo gaaraya ilaa 7 ruux oo la sheegay inay dileen ciidamada AMISOM kuwaasoo maydadkooda shalay la geeyey Isbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho.

Dadkan oo rayid ah ayaa maydadkooda laga soo qaaday degaanka Golweyn oo ku yaalla duleedka Degmada Marka ee Gobolka Sh/hoose, waxaana dadkani isugu jiraan qaar beeraleey ahaa oo beerohooda laga soo kexeeyey, qaar baabuurleey iyo xitaa kuwo guryohooda lagala soo baxay.

”Dadka madaxa ayaa laga toogtey markaas ayaa kaddib miino lagu qarxiyey si looga dhigo inay miinadu dishey.” ayuu ku dooday qof ka mid ah ehelada dadka dhintay.

Ehelada maydadka yaalla Isbitaalka Madiina ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dadkan rayidka ah ay si kas ah u dileen ciidamada AMISOM oo meelahaa uu ku qabsaday dagaal ay ku qaaday kooxda Al Shabaab.

AMISOM ayaa soo saartay War Saxaafadeed ay ku bayaanisey inay tillaabo ka qaadayso arrintan oo ay baaris ku samaynayso, iyadoo sheegtay inay aad u ilaalinayso xeerka caalamiga iyo xuquuqul insaanka oo saldhig u ah howlgalladeeda, lama se oga inay samayn doonto baaris dhab ah, maadaama aysan wax badan ka qaban tacaddiyo dhowr mar horay u dhacay.

Hadalsame Media