(Hadalsame) 10 Agoosto 2021 – Sida ay sheegtay hey’adda EU ugu qaybsan dawooyinka ee EMA kadib markii ay baaritaan ku sameeysay daraasaad arrintaa ku saabsan, wax caddeyn ah looma hayo inuu tallaalka covid-19 carqaladeeyo meertada caadada dumarka.
Dumar ay tiradoodu u dhaxeyso 300 ilaa iyo 400 oo ku nool Sweden ayaa cabasho u soo gudbiyey wakaaladda dawooyinka kadib markii ay qaateen tallaalka covid-19. cabasho noocan ah ayaa sidoo kale laga soo gudbiyey waddamo kale.
Yeelkeede, Gudiga ammaanka ee hey’adda EMA oo baaris sameeyey ayaa soo saaray warbixin uu ku muujinayo inaaney jirrin wax caddeyn ah oo ku saabsan in uu tallaalku sabab u yahay dhibaatooyinka ay dumarkani ka cabanayaan.
Hoos ka dhegeyso sheekadan iyo kuwa kale…

Hadalsame Media