Maanta oo Isniin ah Guddiga Cimilada ugu qaybsan QM ee IPCC loosoo gaabiyo ayaa daabacaya qaybta 1-aad ee warbixinta cimilada ee loo yaqaan “warbixinta 6-aad ee qiimaynta”, taasoo soo koobaysa xogihii ugu dambeeyey ee isbeddelka cimilada caalamka.
Wakiilka Sweden ku metela IPCC, Markku Rummukainen, oo ah caalim yaqaanna culuunta cimilada ee loo yaqaan climatology, ayaa sheegay inay haatan adkaan doonto in la gaaro hadafkii ahaa dhimitaanka heerkul dhan 1.5 digrii.
‘’Waxay ahayd in la dhimo 1.5 digrii 2030-ka, balse haatan xaalku wuxuu marayaa sidii loo hubin lahaa inaanu heerkulku ka sara marin 1.5 digrii isla waqtigaas, ayuu yiri.
Iyada oo la tixraacayo 14,000 oo maqaal oo cilmi ah oo ay qoreen 234 oo caalim isla markaana ay hubiyeen dowlado iyo kumannaan khabiir oo dunida ku firirsan, ayay QM qayb qayb usoo saaraysaa warbixinnadan iyadoo bilaabaysa maanta.
Hadalsame Media