MW Xigeenka Kenya oo qoraal la yaab leh uga jawaabey BAHDIL lagula kacay

0

(Nairobi) 04 Agoosto 2021 – MW Xigeenka Kenya ee William Ruto ayaa Isniintii laga joojiyey inuu u duulo dalka deriska ah ee Uganda wax ay taageerayaashiisu ku tilmaameen tillaabo ay Madaxtooyadu ka dambayso si loo bahdilo.

Wuxuu safarku noqon lahaa kiisii 2-aad ee uu Ruto ku tago Kampala bil gudeheed. Yeelkeede, markii uu yimid garoonka Wilson ee Nairobi, waxaa lagu wargeliyey inuu rukhsad kasoo qaato Madaxa Adeegga Dadwaynaha, isagoo garoonka dhex taagnaa muddo 5 saacadood ah.

Ruto ayaa kaddib markii duullimaadkiisii la kansalay dib iskaga laabtay, isagoo soo qoray tweet ay dadka qaar catow ku sheegeen oo u dhignaa “Waa hagaag, aan Ilaahay u dayno” oo af Sawaaxili ku qoran.

Waa tillaabadii ugu dambeeysey ee muujinaysa xiriirka aadka u xumaaday ee Ruto iyo MW Uhuru Kenyatta oo xilka isla yimid 2012-kii, iyadoo Ruto la sheegayo inuu u sharraxan yahay Madaxwayne.

Ha yeeshee, Kenyatta oo aan isagu mar kale isa sharrixi karin maadaama uu dhamaystay laba muddo-xileed ayaa taageeraya madaxa mucaaradka ee Raila Odinga, kaasoo
Kenyatta ku taageeray qorshe wax lagaga bedeli lahaa dastuurka oo la yiraahdo Building Bridges Initiative (BBI), waloow ay cirka ku laashay Maxkamadda Sare ee Kenya.

Ruto ayaa aalaaba booqda Uganda. Wuxuu halkaa tegey bishii Luulyo isagoo lasoo kulmay MW Yoweri Museveni.

Hadalsame Media