Dal Afrikaan ah oo u ololaynaya in Israel laga eryo AU & dalal dhowr ah oo ku taageeray (Somalia maku jirtaa?!)

0
Delegates attend the opening session of the 33rd African Union (AU) Summit at the AU headquarters in Addis Ababa, Ethiopia Sunday, Feb. 9, 2020. Topics on the table for discussion included the situations in Libya and Sudan, as well as President Donald Trump's Middle East initiative. (AP Photo)

(Addis Ababa) 02 Agoosto 2021 – Dalka Algeria ayaa qaaday tillaabo dilbomaasiyadeed oo adag oo ka dhan ah tillaabada Israel maqaam goobjooge looga siiyey Ururka Midowga Afrika (AU), sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ihi.

Warqaadka El-Waq3 oo xiganaya saraakiil sare oo Aljeeriyaan ah ayaa ay qoray in Algiers ay si rasmi ah u bilowday diyaarinta dalal Afrikaan ah oo iyaguna ka dhan ah go’aankan oo aad horay loogu cambaareeyey.

Ilaa haatan waxaa la sheegayaa inay Algeria taageero ka heshay dalalka South Africa, Tunisia, Eritrea, Senegal, Tanzania, Niger, Comoros, Gabon, Nigeria, Zimbabwe, Liberia, Mali iyo Seychelles si go’aanka loo bedelo.

Wasiir Dibadeedka Algeria, Ramtane Lamamra, ayaa dhowaan sheegay in “diblomaasiyaddoodu aanay ka aamusi doonin go’aanka ay AU ku aqbashay goobjoognimada Israel taasoo ka hor imanaysa hiillada uu dalkiisu siiyo qaddiyadda Falastiin,” sida uu yiri Lamamra.

Lamamra ayaa berritoole bilaabi doona booqashooyin uu ku kala bixinayo dalal Afrikaan ah oo ay ugu horreeyaan Tunisia, Egypt, Ethiopia iyo Sudan, waloow ay qaarkood xiriir toos ah la leeyihiin Yuhuudda.

Somalia iyo Jabuuti ayaan la ogayn go’aanka ay arrintan ka taagan yihiin, waloow aysan sanadihii dambe muujinin moowqifyo adag oo ku aaddan qaddiyadda Falastiin.

Israel oo ah nidaam sharci darro iyo dulmi ku dhisan, ayaa horay u lahayd maqaamkan oo kale, balse waxaa laga xayuubiyey 2002-dii.

Hadalsame Media