”Waa damiir xumo!” – Dadwaynaha oo aad u cambaareeyey tillaabo ay shalay qaadeen MW Jubaland & Guddoonka Xiriirka Somalia

0

(Kismaayo) 31 Luulyo 2021 – Waxaa shalay Kismaayo ku dhintay ciyaartooy ka tirsanayd kooxda maxalliga ah ee JCCI, kuwaasoo sida loo badinayo bas ay saarnaayeen bam loogu xirey, waloow ay sidoo kale jirto aragti ah inuu miino ku joogsadey, balse weli baaris lama samaynin lamana filayo mid micne badan.

Ha yeeshee, arrinta ugu yaabka badan oo ay dad badani qaadan kari waayeen waa in iyada oo uu shilkaa naxdinta lihi dhacay uu magaalada Kismaayo ka furmay Horyaalka Jubaland, kaasoo ay xitaa ka qayb galeen MW Jubaland, Axmed Madoobe iyo Guddoonka Xiriirka Somalia ee Kubbada Cagta.

Dadwaynaha oo ay arrintan u cuntami waydey ayaa ka fal celiyey arrintan oo ay ku tilmaameen mid muujinaysa damiir xumo, naxariis iyo damqasho la’aan ay lasoo shir tageen madaxdii halkaa u tegey ciyaarta ee amray in lagu dul ciyaaro tacsida laacibiinta.

”Dhiig baad kubbad ku dul baasateen!.” ayuu soo qoray wiil ka mid ah taageerayaasha.

”Damiir xumo ka wayni ma jirto in aad maydka wiilasha kubad ku dul ciyaartaan!.” ayuu mid kale uga koobiyey.

Hadalsame Media