(Beijing) 30 Luulyo 2021 – Dalka Shiinaha oo horay u sheegay in uusan wax dulqaad ah u lahayn cudurka Covid, ayaa laga soo sheegayaa 206 kiis oo ah nooc cusub oo koroona ah tan iyo Luulyo 20, iyadoo ay Nanjing tahay xudunta cudurka.
Cudurka ayaa dillaacay kaddib markii shaqaale nadiifinayey dayuurad ka timid Ruushka cudurka laga helay, kaasoo deeto ku faafay 13 magaalo oo ay caasimaddu ku jirto iyo 5 gobol.
Cabsida jirta ma aha tirada kiisaska waayo weli waa yar yihiin, balse wuxuu walaacu ka jiraa deg degta uu ku faafayo taasoo keentay in warbaahinta maxalliga ihi ay barbardhigaan xaaladdii Wuhan ee 2019.
Dhamaan duullimaadyadii tegayey garoonka Nanjing airport ayaa la hakiyey tan iyo Agoosto 11, halka 9.3 milyan oo qof oo magaalada deggan la faray inay PCR isku baaraan.
Boqollaal kun oo qof ayaa iyagana lagu karaantiilay gobolka Jiangsu oo ah midka ay Nanjing caasimadda u tahay, halka degmada Changping ee Beijing ay 41,000 ku amartay inaysan guryaha ka bixin.
Gobollada Sichuan, Hunan iyo Liaoning ayaa kiisas hor leh laga soo sheegayaa, halka gobollada Hebei iyo Inner Mongolia ay bilaabeen tijaabooyin wadareed kaddib markii la sheegay inay soo galeen dad ka yimid Nanjing.
Gobol kale oo uu cudurku ku dhuftay waa Yunnan kaddib markii ay kusoo noqdeen dad cudurka laga helay oo ka yimid dalka Myanmar oo gobolkaa deris la ah kaasoo uu faro ba’an ku hayo nooca Delta variant.

Hadalsame Media