DAAWO: Dabka is haysta ilaa 3 gobol oo Turkiga ka holcaya & urur xag-jir ah oo lagu tuhmayo

0

(Ankara) 30 Luulyo 2021 – Dab-duureed inta badan ka bilowday koonfurta Turkiga ayaa weli maanta oo Jimce ah ka holcaya dalkaasi, waloow ay maamulladu sheegayaan inay “gacanta ku hayaan xaaladda.”

Dabka oo sababsanaya heerkulka aadka u sarreeya ayaa bur bur wayn gaysanaya iyadoo ay dambaaburuhu ay xaafado dhan galaafteen.

Saxaafadda Turkiga ayaa sidoo kale kicisay shaki ah in ay dabkan ka dambayn karaan kooxda PKK ee Kurdiga ah, kuwaasoo sidan oo kale dab hore ka dambeeyey, waloow uu baaritaan soconayo.

Meelaha ugu darani waa magaalooyinka dalxiiska ah ee Antalya iyo Muğla waxaana aad u faafinaya dabaylo xooggan iyo hawada oo qallalan.

Gobollada Mersin, Adana iyo Osmaniye, oo ah 3 gobol oo deris ah oo koonfurta dhaca ayaa wajahaya dab aad u ballaaran oo qaxaya tan iyo bartamihii todobaadka.

Ilaa 4 qof ayaa ilaa haatan la ogyahay inay dhinteen iyadoo uu wiil dhallinyaro ah oo dab-damiska caawi is lahaa uu dhex galay 2 tubaalood dhanka Marmaris.

Dabka oo Arbacadii ka kacay Manavgat oo ka tirsan Antalya ayaa burburiyey hanti ma guurto ah iyo tuulooyin dhan, iyadoo ay dalalka deriska ah sida Giriiggu ay kaalmo ku yaabooheen.

Hadalsame Media