Maraykanka oo Ciraaq ku celinaya agab qadiimi ah oo uu horay uga bililiqaystay

0

(Baqdaad) 29 Luulyo 2021 – Maraykanka ayaa Ciraaq u celinaya alaabooyin qadiimi ah ooo gaaraya 17,000 oo sheey oo u laabanaya 4,000 oo sanadood kuwaasoo laga bililiqaystay dalkaasi, sida uu sheegayo Wasiirka Dhaqanka Ciraaq.

Tillaabadan ayaa timid kaddib markii uu RW Mustafa al-Kadhimi uu MW Joe Biden kulan kula qaatay caasimadda Maraykanka ee Washington, DC.

Al-Kadhimi ayaa lagu wadaa inuu alaabooyinkaa qadiimiga ah ee Mesopotamia-dii hore uu qaar ka tirsan isagu horay usii qaado marka uu Khamiista ku noqonayo Ciraaq, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqanka, Hassan Nazim oo Baqdaad ka hadlay.

“Waa agabkii qadiimiga ahaa ee ugu badnaa ee dib loogu celiyo Ciraaq kaddib bilo ay Ciraaq la xaajoonaysey Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad.” ayuu yiri Nazim.

Ciraaq ayaa si xad ka bax ah loo bililiqaystay, gaar ahaan dagaalkii 2-aad ee lagu qaaday 2003-dii, iyadoo agab badan oo uu dahab ku jiro ay qaateen Ciidamada Maraykanka laftoodu.

Hadalsame Media