Gobolka Soomaalida oo iska dhex boodaya dagaallada Itoobiya isagoo aan is waydiin 6 SU’AALOOD

0

(Addis Ababa) 26 Luulyo 2021 – Soomaalida Itoobiya ayaa markale muujinaysa inaysan fahamsanayn fursadaha hor yaalla maanta iyo sidii ay u wajahi lahayd, taasoo ah jirro ay caadiyan la wadaagto Soomaalida kale meel kastaba ha joogtee.

Tusaale ahaan, waxaa haatan Itoobiya ka soconaya isbedello culus oo xitaa keeni kara inay kala siibato oo u burburto sidii Yoguslavia, balse Maamulka Gobolka Soomaalidu wuxuu u dhex boodayaa sidii inay reero deris ihi is dhagxiyeen, dadka Soomaalida ah ee meeshaa deganina uma muuqdaan kuwo fikrad saxan ka haysta waxa soconaya isla markaana yaqaan wixii tillaabo istaraatiji ah ee ay ka qaadi lahaayeen.

DAGAAL UUN LA ISKAMA GALO EE WAX BAA LA GORFEEYAA – Haatan waxaa askari Soomaaliyeed la geeyey buuraleeyda dhibka badan ee woqooyiga Itoobiya, jeer aan la isku dhibin in la is waydiiyo 6 su’aalood oo istaraatiji ah oo aysan si qoto dheer u fahmin dadka taageersan ciidanka la direy iyo xitaa kuwa diiddan badankood:

1 – Yaa horreeya in askariga Soomaaliyeed uu dhinto isaga oo kala difaacaya Amxaaro iyo Tigree iyo inuu dhulkiisa difaacdo oo halkaa ku dhinto, kolleey marka ay iyagu kala baxaan isaga ayay u iman doonaane?

2 – Haba laga difaac galo oo hallagu dhinto halkaase maxaa biddaal ah oo istaraatijiyad ahaan Soomaalida dan ugu jira?

3 – Haddii lacalla Itoobiya lagu kala dhaqaaqo maxay tahay tillaabada iyo dhabbaha ay qaadi doonto Soomaalida haatan ADDIS laga maamulo, mase jirtaa qaddiyad ay ku midaysan yihiin? Qoomwiyad kasta oo Itoobiya haatan ka tirsani waxay leedahay qaddiyad iyo qorshe fog marka Soomaalida laga reebo.

4 – Tan iyo markii Itoobiya oo la hubo inay xirxirnaantii dib ugu noqon karto daqiiqad kasta la yara furfuray, maxaa tillaabo oo ay qaadeen Soomaalida halkaa ku nool? Ma jirtaa qaddiyad ay midaysan tahay mise waa reero tiih ku daba dheeraaday sida Soomaalida kale ee iska eegata hebel reer hebel ah oo jago jinni ku shaqaysto loo dhiibey oo aan lahayn fikir iyo fiiro dhaafsiisan shilimaad faraha lagu dhigo?

5 – Maxaa qorshe ah oo kala dhexeeya qoowmiyadaha kale ee ay isku danta yihiin ama deriska yihiin sida Cafarta iyo Oromada, kahor inta aan la dhex boodin Tigree iyo Amxaaro oo isku haya koodii Soomaalida iyo qoowmiyadaha kale gumaysan lahaa?

6 – Maxaa kala dhexeeya Soomaalida kale ee iyaga ku xeeran? Mustafa Cagjar mararka qaar wuu ka dhawaajiyaa in loo baahan yahay iskaashi iyo is ogaan Soomaaliyeed, balse ma yahay nin taasi ka tahay fikir dhab ah mise waa war af kala bixid ah sida siyaasiyiinta kale ee Soomaalida ee wejiyada badan ee maalinna xarigga wadaniga muusigga ka garaaca, maalinta xigtana qabyaalad qayaxan isla soo taagaya? Amaba uu hadalku qiiro qalbiga deggan ka yahaye aanu qorshe maskaxaysanba ka ahayn?

Su’aalahaa waa in jawaab loo raadiyaa kahor inta aan dagaalkii dhacaba la iska gelin ee aan gunnimo loo dagaallamin halkii gobannimo la goobi lahaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media