UK oo uu lasoo xumaaday heshiis ka tirsan Brexit oo ay EU la gashay (Muran taagan & waxa la isku hayo?)

0

(London) 22 Luulyo 2021 – UK ayaa shalay codsatay in Midowga Yurub uu markale dib ugala xaajoodo heshiis khuseeynaya Northern Ireland oo ay horay u kala saxiixdeen, kaasoo ka tirsanaa tibxihii heshiiskii Brexit oo haatan lasoo xumaaday.

Yeelkeede, EU ayaa sheegtay in London looga fadhiyo dhaqangelinta heshiiskii Brexit oo buuxa, halka uu Maraykanku isha ku hayo tadawurkan cusub iyo tillaabada UK.

London ayaa doonaysa in la baabi’iyo heshiiska Northern Ireland, kaasoo dhigaya in gobolkaasi uu kasii mid ahaado suuqa Midowga Yurub, iyada oo laakiin la baari doono badeecooyinka ka imanaya dhanka Britain inteeda kale.

Midowga Yurub ayaa heshiiskan UK ula gashay si meesha looga saaro in xad adag la dhex dhigo dadka Woqooyiga Ireland oo ka tirsan UK iyo Jamhuuriyadda Ireland oo iyadu ah dal xor lah oo ka tirsan EU.

UK ayaa ku doodaysa in EU ay joojiso baaritaanka badeecooyinka ka imanaya UK ee gobolkaa gelaya, balse ay diiradda saaraan wixii soo gelaya suuqa Midowga Yurub ee kaga imanaya dhanka Northern Ireland, iyagoo ku doodaya in loo baahan yahay ilaalinta in Northern Ireland ay tahay gobol ka mid ah UK, iyadoo ay xitaa jiraan dukaamo silsilad ah sida tafaariiqleeyda Marks and Spencer oo sheegay inay adkaan doonto inay badeecooyin geeyaan gobolkaasi.

Yeelkeede, EU ayaa sheegtay inay ilaashanayso qiyamka suuqeeda xorta ah oo aysan doonayn in UK iyada oo Yurub ka baxday ay misna badeeco soo geliso suuqaasi, sidoo kalena ay horay wax badan uga tanaasushey si loo ilaaliyo nabadda Northern Ireland iyo Heshiiskii ”Jimcaha Wanaagsan”, sida ay sheegtay Guddoonka Komishanka Yurub ee Ursula von der Leyen.

Dooni ka timid Scotland oo jeexaysa Badda Irish Sea

Hadalsame Media