(Copenhagen) 22 Luulyo 2021 – Ciidamada Denmark ayaa sheegay in ay markab dagaal iyo mid kale oo taageerayey ay ku arkeen isagoo shiraacanaya badda Baltic Sea, iyadoo loo badinayo inuu ku wajahan yahay dalka Ruushka oo uu uga qayb gelayo dhoollatus ciidan.
Ciidanka Cirka Denmark ayaa bogga Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi ku faafiyey sawirrada markab ay Iiraan si maxalli ah u dhisatay oo la yiraahdo Sahand iyo mid kale oo sirdoon ah oo la yiraahdo Makran isagoo maraya jasiiradda Bornholm ee Denmark, iyagoo sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada St. Petersburg,
Isla maanta oo Khamiis ah wakaaladda IRNA ee Iiraan ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Badda dalkaasi Admiraal Hossein Khanzadi, uu ku biiri doono rigo ay ciidamada Badda Ruushku ka samaynayo St. Petersburg oo lagu casuumey.
Waxay sitaan 7 doonyood oo balballaaran oo kuwa dagaalka ah oo ay xambaarsan yihiin.
IRNA ayaa sidoo kale sheegtay in Sahand uu ku biirayo bandhiggaasi, iyadoo sawirro horay loo hayey ay muujinayeen in labada markab ay kasoo goosteen dekedda Bandar Abbas bishii Maajo, kuwaasoo uu qaaday Maxar Technologies.

Hadalsame Media