Garoon ku yaalla Washington DC oo lagu kala cararay kaddib markii ay rasaasi ka bilaabatay (Dad ku waxyeelloobey & qofkii oo baxsad ah)

0

(Washington, DC) 18 Luulyo 2021 -Taageerayaasha ayaa mar qura ku kala cararay ciyaar baseball ah oo ay lahaayeen Washington Nationals iyo San Diego Padres kaddib markii ay rasaasi ka wayoodday bannaanka garoonka, gaar ahaan Iridda 3-aad.

Dadka oo ay gashay cabsi ku aaddan inay jirto toogasho wadareed ayaa is dardaray jeer ay socoto ciyaarta oo markii dambe hakatay. Dadka qaar oo qoysas ahaa ayaa kala lumay.

Ugu yaraan 4 qofood ayaa ku dhaawacantay kuwaasoo laga helay banaanka saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 10pm.

Abbaarihii 10:15pm, Booliiska DC ayaa sheegay in dad dhaawac ah oo ay rasaasi ku taallaa ay tageen isbitaallada si loo daweeyo.

Qofkii wax wacaal ah haya ayaa la faray inuu ku hagaajiyo lambarka 202-727-9099 ama farriin-qoraaleed u diro 50411.

Hadalsame Media