RASMI: Olivier Giroud oo AC Milan ku biiray + Sawirro (Lambarkiisa & laacibkii uu Milan ka taageeri jirey?)

0

(Milano) 17 Luulyo 2021 – Olivier Giroud ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan oo uu uga soo wareegey dhanka Chelsea oo ay xiriir fiican leeyihiin, isagoo qaadan doona lambarka 9-aad.

Laacibkan oo 35 jirsan doona bisha Sebtember ayaa Khamiistii ka degey Milano, gaar ahaan Linate Airport isagoo dayuurad gaar ah kasoo qaatay Grenoble, caafimaadkana maray isla shalay oo Jimce ahayd.

Laacibkan oo ku dhashay Chambéry (France) Sebtember 30keedii 1986-kii, ayaa usoo dheeley Grenoble, Istres iyo Tours, iyo Montpellier oo Ligue 1 ah, isagoo xagaagii 2012, u dhaqaaqay Arsenal, oo uu u dhaliyey 105 gool 253 kulan, isagoo la hantay 3 FA Cup iyo 3 Community Shield.

Januray 2018, wuxuu Giroud u wareegey Chelsea FC, oo uu kaga farxiyey 39 gool 119 kulan, isagoo la qaaday Champions League, Europa League iyo 1 FA Cup.

Xulka Faransiiska ayuu sidoo kale kulan-bilowgiisii u saftay Nofeember 2011, wuxuuna u dhaliyey 46 gool 110 kulan isagoo la qaaday Koobkii Adduunka 2018-kii.

“Carruurnimadaydii waxaan raaci jirey Serie A gaar ahaan AC Milan. Waxaan si gaar ah u jeclaa Shevchenko oo aan ku dayan jirey anigoo taageeri jirey Rossoneri.” ayuu yiri Giroud oo ku sugan Casa Milan si uu qandaraaska u saxiixo.

Wuxuu Milan joogayaa 2 sano iyadoo uu jiro dookh ah in 3 laga dhigo, wuxuuna sanadkii qaadan doonaa €3.5m oo euro.

Hadalsame Media