Goolwalaha Talyaaniga oo si la yaab leh ku micneeyey sababta uu u dabbaaldegi waayey markii uu qabtay rigoorihii u dambeeyey

0

(Roma) 13 Luulyo 2021 – Goolwalaha Talyaaniga ee Gianluigi Donarumma ayaa noqday geesiga Talyaaniga ciyaartii dhamaadka ee ay rigooraha uga raayeen dalka Ingiriiska, taasoo uu 2 rigoore ka qabtay.

Laacibka ayaase sameeyey arrin ay dad badani la yaabeen oo ahayd in uusan dabbaaldegin markii uu Saka ka duubay rigoorihii ay Talyaanigu ku guulaysteen. Isaga ayaa hadda sharraxay sababta.

“Dabbaadleg la’aanta waxaa iigu wacnayd in aanan markaa fahmin in aan guulaysanney. Waxaan eegay garsooraha si aan u fahmo in uu VAR ansixiyey goolka,” ayuu yiri Donarumma oo sidoo kale noqday xiddiggii tartanka.

”In aan guulaysanney waxaan kaliya ogaadey markii aan arkay saaxiibadeey oo igu soo ordaya. Pallon d’Or? Waan maqlayaa balse ka fikiri maayo”. ayuu raaciyey.

Hadalsame Media