DAAWO: Turkiga oo samaystay hub danabeed oo wax badan ka geli kara dagaallada casriga ah + Muuqaalladiisa

0

(Ankara) 13 Luulyo 2021 – Taliska Ciidanka Xoogga Turkiga ee TSK ayaa gudoomey gawaari cusub oo sida hubka elektaroonigga ah ee Sancak.

Ismail Demir, Guddoonka wershadaha hubka sameeya ee Turkiga (SSB) ayaa Teitter kusoo bandhigay muuqaal cusub oo muujinaya aaladdan oo ay sancaysay Aselsan.

Hubkan elegtaroonigga ah ayaa qaban kara howlo badan isagoo leh awood badan oo broadband ah, tashwiish furis xooggan iyo koronto badan.

Aselsan ayaa sheegtay in aaladdani samayn karto weerar danabeed (EA), iyadoo ku filan sirdoonka danabaysan, raadaarrada elektroonigga ah, wuxuu sidoo kale arki karaa oo meelayn karaa qaraxyada.

Hadalsame Media