(Port au Prince) 09 Luulyo 2021 – Ugu yaraan hal muwaadin oo Maraykan ah ayaa u xiran khaarajinta MW Haiti kaddib markii uu soo baxay muuqaalka mid ka mid ah dadka weerarka kusoo qaaday oo ku qaylinaya “tani waa howlgal DEA” isagoo ku hadlaya lahjadda Maraykanka.
Muuqaalkan ayaa xilli habeen ah lagu dhex duubay guriga Madaxwaynihii la diley ee Jovenel Moïse, iyadoo mid ka mid ihi ku qaylinayo inay ka socdaan Hay’adda Xakamaynta Daroogada Maraykanka ee DEA.
Waloow ay Safaaradda Maraykanku ay xaqiijisey in DEA ay xafiis ku leedahay caasimadda Haiti ee Port au Prince mar ay u warrantay Associated Press waloow uu Danjire Bocchit Edmond horay u beeniyey runnimada muuqaalka oo uu ”been abuur” ku tilmaamay, misna Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa dafirtay inay Maraykanku ku lug leeyihiin dilka dhacay.
Muuqaalka waxaa laga arkayaa dadka soo weeraray madaxwaynaha oo nalal ku shidaya qaybo ka tirsan guriga, iyadoo ninka hadlayaa uu in yar kaddib u wareegayo adeegsiga luuqado kale.
“Xarfaaney waxaa fiican in aan wax la toogan. Ragga ha tooganina ma aha cadowgiinnee. Waa howlgal DEA. Qof kasta soco, soco, soco. Wax ha tooganina.” ayaa la maqlayaa isagoo leh.
Kaddib wuxuu u wareegayaa luuqad kale isagoo leh: “Hoos u socda haddii kale waa idin tooganayaan … Socda hoos u dega.” Nimanka ayaa ilaaladii dabka ka dhigay iyagoo u sheegay in “madaxwaynihii tegey”.
Wasiirka Doorashooyinka & Xiriirka Xisbiyada Haiti, Mathias Pierre, ayaa The Washington Post iyo The New York Times u xaqiijiyey in muwaadin Maraykan ah, James Solages, oo la sheegay inuu asal ahaan Haitian yahay kuna nool yahay South Florida, la xirey isaga iyo ugu yaraan qof kale oo Haitian American ah.
Hadalsame Media