(Beijing) 09 Luulyo 2021 – Warbixinno ka imanaya dhanka Gaashaandhigga iyo Daraasaadka Amaanka ee dalka Maraykanka ayaa muujinaya in Beijing ay aad u xoojinayso tirada iyo tabta hubkeeda nukliyeerka ah, xilli ay Washington guul guul ku hayso Shiinaha ciidan badanna loo dumayo gobolka.
Warbixin dhowaan lagu qoray Washington Post ayaa lagu faahfaahiyey sawirro dayax-gacmeedka lagu qaaday oo muujinaya Shiinaha oo gantaalo baalistig ah ku dhisaya gobolka woqooyi galbeed ee Gansu, taasoo ka dhigan in Shiinuhu uu sare u qaado awoodda jawaabta aarsiga ah ee loo yaqaan ‘duqaynta 2-aad’ isagoo sidoo kale xoojinaya hubkiisa atoomikada ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale soo qaadatay xogo ay wadaagayaan millateriga Maraykanka oo sheegaya in Beijing ay si isa soo taraysa “halis nukliyeer” ugu tahay Maraykanka, sida uu sheegay Afhayeenka Pentagon, John Supple oo la hadlay hilinka CNN:
Maraykanka ayaa sheegay in Shiinuhu dhisayo godad qarsoon oo loogu tala galay in gantaalaha waawayn laga soo gano, balse Shiinaha ayaa sheegay inay meelahaa ka dhisayaan xarumo laga dhaliyo korontada dabaysa.
Shiinaha ayaa sidoo kale ku doodaya in ay kaliya haystaan hub aad u yar oo nukliyeer ah oo gaaraya 250 ilaa 350 madax oo la mid ah kuwa ay haystaan UK iyo France, marka loo eego Maraykanka qaylinaya oo haysta 3,800, iyo in sidoo kale ay raacayso siyaasadda ah inaysan iyadu marka hore adeegsan hubkaasi, taasoo aysan raacin Washington.
Beijing oo hubka nukliyeerka haysatey tan iyo 1964-kii, ayaa sheegtay inay kaliya hubka u adeegsato daafac istaraatiji ah, iyadoo meesha ka saartay inay doonayso dagaal qabow oo la mid midkii xoogaystey 1980-kii ee Midowgii Soofiyeeti iyo reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka.
Do you know why Trump call it “Fake News”?
It’s just a wind farm! 😂 @washingtonpost pic.twitter.com/pLs46njDvm
— Shen Shiwei沈诗伟 (@shen_shiwei) July 7, 2021
Hadalsame Media