Taageerayaasha caalamka oo aad u cambaareeyey rigooradii Ingiriiska & 2 arrimood oo dilaya oo dhacay (Fal-celinta taageerayaasha)

0

(London) 08 Luulyo 2021 – England ayaa markii ugu horreeysey muddo 55-sanadood ah waxay usoo baxday dhamaadka tartan wayn kaddib markii ay nus-dhamaadka Euro 2020 ku reebeen Denmark oo ay kula ciyaareen Wembley.

Yeelkeede, waxaa guushaa aad u hareeyey muranka ka dhashay rigoore ”hadiyad” lagu tilmaamay oo loo dhigay laacibka Raheem Sterling oo sida muuqata jilay in lagu legdey diilinta 18-aad, si ay waqtiga dheeriga ah u helaan goolka guusha kulan ku dhamaaday 2-1 120 daqiiqo.

Duruufaha rigooraha lagu dhigay ayaa waxaa sidoo kale sii dishey in ilbiriqsiyo kahor markii rigooraha la dhigayey ay garoonka ku jireen 2 kubadood oo hal mitir isu jira, taasoo sharci ahaan ay waajib tahay in ciyaarta la hakiyo.

Waxaa ka daran in markii uu Sterling dhacay isagoo isku dhex tuuray Joakim Maehle iyo Mathias Jensen ay garsoorayaashii VAR fadhiyey ay taageereen go’aan horaadkii garsooraha Dutch-ka ah ee Danny Makkelie taasoo Ingiriiska siisay goolka ay kusoo bexeen.

Ha yeeshee, dunidii oo idil ayaa aad uga qaylinaysa rigooraha Sterling oo oo ”dhac” ku sheegeen, kaasoo ay xitaa saxaafadda Ingiriiska iyo weriyeyaashii Ingiriiska ahaa ee tebinayey laftoodu ku tilmaameen “rigoore jilicsan”.

Sidoo kale qabtaha Denmarka ee Jasper Schmeichel ayaa indhaha laysar looga shiday xilligii uu isu diyaarinayey qabashada rigooraha muran dhaliska ah, kaasoo uu qabtay balse riboon ahaan looga dhaliyey.

Hadalsame Media