Soomaalida Abiy Ahmed maagaysa ee Tigreega u sacbinaysaa waa kuwo ka aradan fahamka istaraatijiga ah

0
(Hadalsame) 02 Luulyo 2021 – Horta ninkaan maxaan ula colowney? Dad dhowaan arag ah ayaa dagaal aanan garan ku haya, qaarkoodna waxayba muujinayaan Stockholm Syndrome weliba ku raagey. Qaar baa leh Itoobiyaan waa iskugu kaaya mid.
 

May! Iskugu kayd mid ah kii i amaan geliya iyo kii 24 saac farta igu walaaqa ee halkii aan saxiixi lahaa ii tilmaamaya. Dadka ninkan haystaa waxay ”ma liibaanayaan lagu liibaaney” (Useful idiots) u yihiin labada qoowmiyadood ee ay reer Galbeedku doonayaan inay u tujiyaan deetana dusha ka saaraan qoowmiyaadka Itoobiya oo idil, waxa ay u bixiyeen magaca been abuurka ah ee ”Solomonic Dynasty”.

Ma aqaan danta istaraatijiyad ahaan noogu jirta inaan taageerno saydarada iyo awoodda labadaa qoomwiyadood ee Tigreega iyo Amxaarta oo ay Galbeedka oo Masiixiyad ka urinayaa tahay sababta loo foowdeeynayo oo dacaayad loogu furayo nidaamka RW Abiy Ahmed oo isagu qaba in Geeska Afrika nabad lagu wada daaqo, si ka duwan faragelinta iyo haragdaamada ay labadaa qoowmiyadood Soomaalida u caddaysteen.

Dad baa xitaa ku doodaya inuu Tigreega ka gar daran yahay. Wixii jarriimo iyo farsamo xumo ah oo dhacay intii ay colaaddu socotey waa arrin kale. Se Tigreegu iyagaa geed sare iyo mid hooseba u fuulayey inay colaaddaa abuuraan oo weliba bilaabaan.

Haa, iyagaa bilaabay, waayo waxay duullaan ku qaadeen Taliskii dhamaa ee Ciidanka DF Itoobiya ee Woqooyiga dalkaas ugu waynaa oo ay weliba burburiyeen hub badanna ka bililiqaysteen, waana sababta keentay dagaalka lagu dhawaaqay bishii Nofeembar 2020. Waxaa kasii horreeysey dhega adayg iyo turaanturrooyin ay dilal qorshaysan, amar diiddo ka dhan DF iwm ay ku jireen oo ay wadeen.

Sidee haddaba Abiy Ahmed uga khaldan yahay? Muxuu samayn lahaa oo kale? Ogow markan oo kale maskaxda ayaa laga fikiraaye qalbiga lagama hadlo oo waxaa la eegaa laba daran kan sii door leh.

Haddii aad ula col tahay inay Farmaajo saaxiib yihiin taasi aragti micne leh ma aha, mana aha eegmo siyaasadeed oo sidaa u qoto dheer, waayo isagu ugu yaraan wuxuu sharfay Somalia oo wuxuu sameeyey wixii ay DF Somalia ka codsatay oo qura, wixii taas ka khaldan waxaa habboon inaan waydiinno ninkii aan xilka u dhiibanney, se ninkan inaan maagno, welibana nimankii camarta ahaa ee wax u roon wax u daranba aan kala aqoon aan taageerno waa caqliga xumada ugu wayn qarniga.

Waayo reer Galbeedka oo iyaga u adeegsada sidii aanu gobolku u degi lahayn oo u camiraya mooyee Geeska Tigreegu kuma laha wax taageero ah oo micne leh, waxayna taasi muujinaysaa siyaasad xumadooda.

Waa run inuu MW Somalia galay heshiis mugdi badani ku jiro, balse wixii iskaashi amaan ama iskaashi ah oo uu Abiy la galay DF Somalia iyo doodda aad ka qabto waydii isla DF Somalia, waayo iyada ayaad war ku leedahay, laakiin Abiy eeddaas ma laha.
 

War yaa Alle yaqaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media