(Hadalsame) 30 Juun 2021 – Itoobiya waxaa ka bilowday ciyaar 3 geesood ah oo muddo dheer loo soo aalamiitaynayay.
Mustaqbalka dawladnimada Itoobiya waxa ay ku xiran tahay sida ciyaartaan loogu kala adkaado. Haddii lagu kala adkaan waayo Itoobiya mid ah god wayn ayay ku dhacaysaa waxa ay na u noqonaysaa Cahdigii Amiirrada (Era of Princes) ilaa uu uga soo baxayo Kaasa Xayle kale (Tewodross II).
Wareegga hore ee ciyaarta ee hadda bilowday u na dhexeeya Amxaaro iyo Tigreey waxaa ciyaar fiinaal ah ku sugaysa Oromo, halkaas ayaa na lagu go’aamin doonaa jahada lo rarayo geeddiga mustaqbalka Itoobiya.
Ummadaha kale ee Soomaalidu ugu horrayso waxa ay ku nool yihiin wax uu Jaamac-Gallad ku sheegay (xayaatul-barsakh).
Talo iyo tusaale mid gacan ku ma hayaan’e marfashyada qayilaadda ayay ku sugayaan inta qoloyinkaas kore soo kala baxayaan si ay addoomo iyo jaariyado ugu noqdaan.
Waxaa Qoray: Cali M Diini
Hadalsame Media