Wasiirkii Cadaaladda Britain oo toos ugu bayray dhanka gabadhii lagu xamanayey

0

(London) 28 Juun 2021Matt Hancock ayaa ka tegey xaaskiisii oo uu qabey 15 sanadood isagoo aadey kaaliyihii lagu sawiray isaga oo dhunkanaya xilli ay shaqada wada joogeen, sida ay qorayso saxaafadda UK.

Wasiirkii Caafimaadka oo xilkii looga casiley isla dhaqan xumadan.

Xiriirka Wasiirkii Caafimaadka iyo gabadha la shaqaysa ee Gina Coladangelo ayaa “haatan noqday mid dhab ah,” sida lagu sheegay barnaamijka Sky News ee Beth Rigby.

Martha Hancock, oo ah qof dawaysa lafaha iyo nudayaasha oo ka shaqaysa Notting Hill, ayaan weli si shaac ah uga hadal arrintan kasoo korortay ninkeeda iyo hab-dhaqankiisa guud intaba.

Labada lamaane ayaa is qabey tan iyo 2006dii iyagoo leh 3 carruur ah, oo kala ah gabar iyo 2 wiil oo kala jira 14, 13 iyo 8.

<p>Martha Hancock pictured otside her home after news of her husband’s ‘affair’ broke on Friday </p>

Martha Hancock oo la sawirayo iyada oo gurigeeda ka baxaysa kaddib markii uu warku shaacay Jimcihii

Md Hancock ayaa la rumaysan yahay inuu joogo guri ugu yaalla Suffolk.

Ms Coladangelo, oo uu qabo Oliver Tress, asaasaha Oliver Bonas, ayay Mr Hancock isku barteen Jaamacadda Oxford University iyadoo baratay siyaasadda, falsafadda iyo dhaqaalha (PPE) iyagoo saaxiibbo dhow ahaa xitaa kaddib markii ay waxbarashada dhamaysteen 1998-kii.

Ms Coladangelo ayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada (DHSC), sanadkii ka qaadanaysey £15,000 oo gini tiiyoo ay jirto inaysan waxba ka qaban, iyadoo kaliya ka muuqatey liiska bogga LinkedIn.

Hadalsame Media