Maamulkii ay DF Itoobiya ka dhistay caasimadda Tigraay ee Maqalla oo halkaa ka firxaday

0

(Maqalla) 28 Juun 2021 – Maamulkii ku meel gaarka ahaa ee ay DF Itoobiya ka samaysay Gobolka Tigraay ayaa lagu warramayaa inay isaga carareen magaalada Maqalla.

Firxadkan ayaa dhacay kaddib markii ay  xoogagga fallaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen magaalada, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP

“Qof kasta oo ka tirsanaa maamulka Dowladdu iminka wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay galabta ayay baxsadeen. Gobolku hadda waa maamul la’aan,” ayuu yiri masuul ka tirsanaa maamulkuu ku meel gaarka ahaa oo ka gaabsaday magaciisa.

Shaqaalaha gargaarka ee ku sugnaa magaalada Maqalla qaarkood ayaa sidoo kale xaqiijiyey in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa khadka telefoonka kula hadlay RW Abiy Ahmed, iyadoo la isku afgartay xabbad joojin iyo in xiisadda la qaboojiyo.

Ciidamada Tigreega ayaa magaalada qabsaday kaddib markii ay ka bexeen Ciidamada DF oo ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.

Hadalsame Media