
(Milano) 28 Juun 2021 – Real Madrid ayaa ogolaatay in ay Brahim Diaz sanad kale amaahiso kooxda AC Milan oo hadda xaq u leh inay laacibka iibsato halkii uu awal ka ahaa amaah qallalan, sida uu sheegayo Fabrizio Romano.
Kooxda Real ayaa doonaysey inay heshiiska dhex geliso shuruud ah in Milan waajib lagaga dhigo iibsiga laacibka, balse waxay lagu heshiiyey in middaa iktiyaari laga dhigo iyadoo ay Milan bixinayso 20-25m oo euro.
Brahim Diaz will join AC Milan from Real Madrid on loan with buy option. Details: €25m buy option for AC Milan. Real will have a potential future re-buy clause for €30/31m. 🔴🇪🇸 #ACMilan @SkySport
Odriozola could be an option for AC Milan but Diogo Dalot is still the priority.
— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) June 27, 2021
Real Madrid ayaa se heshiiska dhex gelisey shuruud kale oo dhigaysa inay dib u iibsan karto laacibka haddii ay u baahato iyadoo bixinaysa 30-31 milyan oo euro.
Brahim Diaz ayaa sanadkii uu Milan joogey muujiyey inuu yahay laacib farsamo, isagoo weliba kooxda muhim u ahaa kulamadii ugu dambeeyey horyaalka ee lagu xaqiijinayey usoo bixitaanka CL ee kooxda Milan.
Sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, AC Milan iyo Real Madrid ayaa kasii wada hadli doona heshiisyo kale, iyadoo ay Milan doonayso laacibiinta Blancos, sida Luka Jovic, Dani Ceballos iyo Alvaro Odriozola
Hadalsame Media