Kenya oo dejisey dhowr tillaabo oo ay ku doonayso inay ku xasiliso inay xeer jajab wax uga hesho muranka badda (Cidda qura ee cadaadin karta)

0

(Nairobi) 24 Juun 2021 – Kenya ayaa ku doodaysa in Xad-badeedka ay la leedahay Somalia la calaamadeeyey 1979-kii, taasoo 160,000 oo km oo jibbaaran oo dhul-badeed ah ku daraysa geyiga Itoobiya, balse Somalia oo aan sheekadaa asmicin ayaa Kenya la tiigsatey Maxkamadda ICJ 2014-kii.

Wixii markaa ka dambeeyey waxaa gebi dhaclaynayey xiriirka labada dal oo haatan ay socdaan wada xaajoodyo lagu wanaajinayo, balse inta sheegashada Kenya ay meel uga dhacayso xaalku uma degi doono si kama dambayn ah.

Kenya ayaa sheegashadeeda oo ah nooca ”ku qabso ku qadi mayside”, ku xoojinaysa tillaabooyin ay ka mid yihiin cilladaynta cadaaladnimada Maxkamadda ICJ, iyagoo farta ku godaya Garsoore Judge Abdulqawi Yusuf, oo marka laga soo tago inuu yahay, sidoo kale hadda kahor dalka Somalia meteley, sida uu qoray Adejuwon Soyinka oo ka tirsan The Convesation.

MAXAA XIGI DOONA? Kenya ayaa hadda ku doodaysa in maadaama ay gebi ahaanba ka baxday dood-afeedka ICJ aanu khusayn doonin go’aan kasta oo kasoo baxa ICJ, waloow sharciyan uu go’aanku sax ahaanayo xitaa haddii ay Kenya baxday, in kastoo cillada jirta ay tahay in ICJ aanay lahayn ciidan dhaqan geliya go’aamadeeda, haddii aysan ogolaanin labada dhinac ee uu khuseeyo.

Dhanka kale, Kenya ayaa is tustay in cidda qura ee ku cadaadin karta inay go’aankaa u hoggaansanto ay tahay Golaha Amaanka ee QM, iyadoo marayo waxa loo yaqaan ”Dibloomaasiyad dirqin ah” (coercive diplomacy), uusan laftiisu shaqayn doonin maadaama ay ku doodi karto inay dacwadda ka baxday iyo inay ka faa’iidaysato galaangalka ay haatan ku leedahay isla Golaha Amaanka oo ay ka mid tahay hadda.

Kenya ayaa dhanka kale doonaysa inay adeegsato dalal ay Somalia isku fiican yihiin sida Turkiga iyo Qadar, si ay u xasiliso in xeer jajab wax lagu siiyo.

Hadalsame Media