(Nairobi) 24 Juun 2021 – Ilaa 17 sarkaal oo Kenyan ah ayaa lagu soo warramayaa inay geeriyoodeen markii ay la dhacday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo u duulinaysey layli ciidan.
Shilkan oo ka dhacay duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa waxaa sidoo kale ku waxyeelloobey ilaa 6 askari oo dhaawacyo daran qaba.
Dayuuraddan oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Kenya Air Force ahna nooca Mi 171 E ayaa ku dhacday Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaal diidey in magaciisa la xigto maadaama aanu rukhsad u haysan arrintaasi.
Militariga Kenya ayaa waloow ay xaqiijiyeen in shilkani dhacay oo ay diyaaraddani dhacday, misna ma bixin wax xog ah oo dheeraad ah.
Ciidamada diyaaradda saarnaa ayaa guud ahaan gaarayey 23 sarkaal, xilligii ay dhacaysey dayuuradda oo aan shilkeeda la faahfaahin.
Hadalsame Media