FASHIL: Xiriirka K/Cagta oo xalay ceeboobey & ciyaartooyda Qaranka oo maamul-xumadiisa ka cowday kaddib bandhig macquul ahaa (Arrin ay kashifeen)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2021 – Waxaa xalay haray Xulka Somalia oo ay 2-1 uga badisay Cumaan, balse waxay ahayd ciyaar guuldarro ahayd balse guul ahaan loo qaadan karo marka la eego duruufaha ku hareereeysan Xulka Ocean Stars.

Xulka Somalia ayaan helin wax diyaarin ah oo micne leh iyadoo uu Xiriirka laftiisu qirtay khalad Dugsi Hoose ah oo uu galay kaddib markii uu Xulka ka adeejiyey macallin aan iskaadiyaha wax aqoon iyo akhlaaq ku haysan, kaasoo siduu u jahawareerinayey markii uu kulankani soo dhowaa ay eryeen.

Dhanka farsamada, waxaa kale oo jirta in Xulka aan si joogto ah loo dheelsiin, Xulka Qaranka ayaan sidoo kale muddo 2 sanadood ku dhow aan samaynin wax tababar ah. Wax maaliyad ah laguma bixin tiiyoo ay jirto in FIFA ay sanad kasta Somalia siiso miisaaniyad loogu tala galay howlahaas.

”Muddo 2 sanadood ma ciyaarin. Waxaan jawaab iyo qorshe uga fadhinnaa Xiriirka Somalia si aannu u hormarno, ciyaar wanaagsan ayaan soo bandhignay waana sii wadi doonnaa, waayo dalkeenna waa jecel nahay,” ayuu yiri Kabtanka Xulka Qaranka Cabdisamad Axmed oo hadlayey ciyaartii foorjada ku dhamaatay kaddib.

“Cumaan nagama badin ee xiriirka Kubdda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa naga badiyay, muddo 18 bilood ah wax tababarro ah ma heysan, labadii maalmood ugu dambeysay ayaan 2-jeer tababar sameynay, sideed nooga rajeyneysaa inaan ula tartano wadamo sida Cumaan oo kale ah, kuwaas oo shan kulan ciyaaray labadii isbuuc ee ugu dambeysay?” ayuu is waydiiyey laacib Casaanyo.

Isku soo xooriyoo, waxaa muuqanaysa in Xiriirka Somalia (SFF) aanu lahayn qorshe, aragti walaa rabitaan uu ku saxo arrintan oo sidan oo kale loosoo hadal qaaday markii ay Somalia bandhig wanaagsan ka samaysay kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la lahayd Zimbabwe.

”Maba doonayaan in ay Somalia xul ahaan sare usoo kacdo, waayo kharashaadka ku baxaya iyaga ayaa hadda cuna oo lunsada.” ayuu yiri weriye si hoose ula socda arrimaha Xiriirka Somalia, kaasoo Hadalsame ka codsaday in aan magaciisa la xigan.

Waxaa kale oo meesha ka maqan isla xisaabtankii hay’aadkii maamul ee isboortiga, tusaale ahaan, ma jiro Guddigii Olombikada Somalia, Xiriirkuna wuxuu iska noqday NGO ku jira gacanta hal qof, sidaa darteed, inta uu sidaa yahay laga fili maayo aragtiyo iyo xiisayn cusub oo dhiig cusub ku shubta Xulka dalka.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media