Magaalo wayn oo Maraykanka ku taalla oo si wayn u maamusi doonta Calanka Somalia

0

(Columbus) 13 Juun 2021 – Waxaa soo dhow Todobaadka Xorriyadda Somalia oo bilaabanaya 26-ka bishan Juun oo ah maalintii ugu horreeysey ee geyi xor ah oo Soomaaliyeed la suro calanka buluugga ah ee dalka, taasoo ahayd Hargaysa 26-kii Juun 1960-kii.

Haddaba, Maamulka magaalada Columbus oo ah caasimadda Gobolka Ohio ee dalkaasi Maraykanka ayaa maamuus gaar ah u samayn doonta Calanka Somalia.

Maamulka ayaa sheegay in Calanka Somalia la suri doono fagaaraha caanka ee Xarunta Ohio Statehouse ee Capital Sq.

Marka fiidkii la gaarana, waxaa midabbada Calanka Somalia qaab LED ah looga ifin doonaa  C-bus City Hall, buundada webiga Scioto oo ku taalla faras magaalaha iyo Carwada magaalada ugu ballaaran ee Easton Mall.Flag of SomaliaHadalsame Media