(Copenhagen) 12 Juun 2021 – Waxaa cabsi mar qura isu rogtey jawiga guud ee ciyaar ka socotey Parken Stadium oo ku yaalla Copenhagen, caasimadda Denmark.
Waxay ahayd dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta Denmark-Finland, oo ahaa kulanka 1-aad ee jiirooniga Group B ee Euro 2020, markii uu Christian Eriksen mar qura dhulka ku dhacay.
Waxaa haddaba laacibka si rasmi ah uga hadlay kooxda uu u dheelo ee Inter, Xiriirka dalkiisa Denmark iyo Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA.
INTER, MAROTTA: “WAXAA JIRTA RAJO TAXADDAR KU JIRO” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Inter, Beppe Marotta oo la hadlay Sky Sport.
DENMARK OO HADASHAY: “WUU SOO JEEDAA” Xiriirka K/Cagta Danish-ka ee DBU ayaa intaa xaqiijiyey: “Christian Eriksen wuu soo kacay isagoo yaalla isbitaalka Rigshospitalet si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo”.
SIDA AY WAX U DHECEEN – Laacibka ayaa kubbad u boos qaatay daqiiqaddii 43-aad, balse wuxuu si halhaleel ah ugu dhacay dhulka, laacibiinta oo markiiba gartay inay xaaladdu garaabo tahay ayaa u yeerey howlwadeennada caafimaadka.
Kaddib markii wadnaha muddo laga masaajeeyey ayaa waxaa lagu qaaday bareelle isagoo duuduuban, xilli ay cabsi darteed la ilmaynayaan laacibiinta, taageerayaasha iyo xaaska laacibka oo garoonka wada joogey.
Ciyaarta si rasmi ah ayaa loo hakiyey maadaama ay dhacday sida ay UEFA sheegtay “xaalad caafimaad oo deg deg ah”. Xog dheeri ah oo ciyaarta ku saabsan waxaa kasoo saarayaa 19:45 xilliga maxalliga ah.
War cusub oo haatan soo baxay ayaa sheegaya in ciyaartii Denmark iyo Finland oo horay loo hakiyey ay dib u bilaabmayso 7.30pm xilliga UK kaddib markii ay kasoo raysay xaaladda Christian Eriksen oo garoonka ku dhacay haatanna isbitaalka yaalla.
The UEFA EURO 2020 match in Copenhagen has been suspended due to a medical emergency.
— UEFA (@UEFA) June 12, 2021
Hadalsame Media