SAWIRRO: Caafimaadka Eriksen oo galay marxalad xasaasi ah & halka laga hayo (Arrin welwel kale abuurtay oo dhacday markii la qaadayey)

0

(Copenhagen) 12 Juun 2021 – Waxaa cabsi mar qura isu rogtey jawiga guud ee ciyaar ka socotey Parken Stadium oo ku yaalla Copenhagen, caasimadda Denmark.

Waxay ahayd dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta Denmark-Finland, oo ahaa kulanka 1-aad ee jiirooniga Group B ee Euro 2020, markii uu Christian Eriksen mar qura dhulka ku dhacay.

Saaxiibadii oo werwersan ayaa kusoo heeraarsaday iyadoo ay howlwadeennada caafimaadku ay isku dayeen inay dib uga shaqaysiiyaan wadnihiisa, balse xaaladdu waxay u muuqataa mid cabsi leh.

Daqiiqado yar kaddib markii wadnaha laga masaajeeyey waxaa lagula cararay bareelle iyadoo la sameeyey arrin kale oo wel wel leh oo ah in wejigiisa kaamirooyinka laga qarinayey markii la saarayey.

Hadalsame Media