KAFTANKA JIMCAHA: ”Waar waxa Burco ka dhacay sidee ku dheceen!” – Su’aalo & jawaabo maad ah oo laga sameeyey Muuse Biixi & doorashada Somaliland

0

(Hadalsame) 04 Juun 2021 – MW Muuse Biixi, ayaa salaadii jimcaha kaddib, wuxuu u yeedhay qaar kamid ah xubnihii komishanka u qaabilsanaa xisbigiisa si’uu u waydiiyo sababta Kulmiye looga adkaaday.

S: Waar waxa Burco ka dhacay sidee bay ku dhaceen, yaase ka dambeeya?
J: Madaxweyne ninka waxaas ka dambeeyaa waa Maxamuud Xaashi Cabdi, isagaa ka shaqeeyey in Kulmiye laga adkaado iyo in wiilkaagi Xinif uu burco foodda gelin waayo.
S: Maxamuud Xaashi’a!
J: Haa Siyaasi Maxamuud weeye.
S: Meeyey kii Siyaasi Boobe Yuusuf?
J:Madaxweyne, Boobe wuxuu ku mashquulsan yahay, Buug uu ka qorayo fanaaniintii innaga dhimatay intii u dhexaysay 1980 ilaa 2010.

S: Fanaaniinta raac dheh. Meeyey Cali Gurey?

M: Madaxweyne Cali Gurey, Xalay buu hambalyeeyey Maxamuud Xaashi.

S: Jaw, meeyey kii arrimaha dibbeda ahaan jiray magaciisu muxuu ahaa?

J: Madaxweyne ma Maxamed Cabdillaahi Cumar?

S: Haa meeyey kaasi bal iigu yeedh!

J: Madaxweyne Nairobi buu fadhiyaa oo wuxuu ku mashquulsan yahay diyaarinta maqaaladii lagu dhaliili lahaa Soomaaliya.

S: Waar maqaaladooduna meel ma gaadhaane, orod iigu yeedh kii Laabsaalax ahaa!

J: Madaxweyne Laabsaalax Doorashadii buu ku dhacay oo wuxuu diyaarinayaa heestii uu isku maydhi lahaa.

S: Hees maxay ah ma qof dhacay baa hees kaga hadlaya dhicistiisa?

J: Haa Madaxweyne heesta waxaa midhaheeda kamid ah “Hadaan dhacay ma dhimane maxaa adiga kaa galay?”

S: Yuu ku leeyahay maxaa adiga kaa galay?

J: Madaxweyne, waxaan filayaa inuu naftiisa hiifayo.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Terra

Hadalsame Media