Armenia oo daandaansi ka wadda xadka Azerbaijan, digniin loo diray & daroon laga soo ridey

0

(Baku) 04 Juun 2021 – Ciidanka Azerbaijan ayaa dhiggooda Armenia uga digey inay gudaha usoo galaan geyiga  Azerbaijani iyagoo weliba dhumaalaysanaya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay caasimadda Baku, qiyaastii 40 askari oo Armenian ah ayaa Talaadadii si dhuumaalaysi ah kusoo galay dhulka Azerbaijani iyagoo ku wajahnaa tuulada Armudlu ee agagaarka Kalbajar.

Ciidamada Azerbaijani oo arrintan si deg deg ah uga jawaabaya ayaa dalbaday inay meesha ka baxaan, iyagoo tillaabadaa ku tilmaamay mid ”daandaansi iyo xaalad abuur ah.”

Armenia oo weli ka qaraarsan dagaalkii lagaga adkaaday ayaa dhaqdhaqaaq ka wadda xadka, iyadoo todobaadkii hore uun laga soo ridey daroon  ah nooca Griphon-12 oo kasoo gudbey xadka labada dal, sida ay sheegtay WG Azerbaijan.

Labada dal oo isku hayey gobolka Nagorno-Karabakh, ayaa muddo 6 todobaad ah oo ay dagaallamayeen waxaa lagu dhameeyey xabbad joojin ay ka shaqaysay Moscow 10-kii Nofeembar ee sanadkii tegey.

Intii uu dagaalkaasi socdey se, Azerbaijan ayaa xoraysatay inta badan magaalooyinkii muhimka ahaa ee gobolka iyo wax ka badan 300 oo tuulo oo ay Armenia haysatey muddo 30 sanadood ah, iyadoo qaybo kalena lagu amray inay ka baxaan.

Hadalsame Media