(Accra) 28 Maajo 2021 – Saddick Adams oo ah weriye isboorti oo abaalmarin ku guulaystey caanna ka ah dalkiisa Ghana ayaa halkaasi ka dhaliyey dood ku saabsan arrin uu ku tilmaamay guul uu ku tillaabsaday dalka Somalia oo uu dalkiisa kaga horreeyo.
Ninkan ayaa ka hadlayey in Xiriirka Kubadda Cagta Somalia ee SFA uu furay jiimkii ugu horreeyey ee loogu tala galay Xulka Qaranka Somalia, balse aysan Ghana oo Somalia uga sarreeysa dhanka kubadda cagtu aanay midh haynin.
”’Xiriirka Somalia wuxuu xarigga ka jaray jiim cusub oo uu leeyahay xulkiisu. Xiriirka Ghana, dal 3 jeer ka qayb galay Koobka Adduunka isla markaana ah cudud ciyaareed oo qaaradda Afrika ah, ma laha xitaa hal qalab oo jimicsi.” ayuu soo qoray isagoo weliba ka hadlaya hal makiinad.
Dad badan oo reer Ghana ah ayaa ka fal-celiyey tweet-ka weriyaha, waxayna isku raaceen inuu warkaasi run yahay iyagoo dalkooda ku eedeeyey musuq iyo muhiimad siin khaldan.
Mid baa soo qoray: ”Somalia waa dal dagaal ku jirey wax ka badan 20 sanadood. Siyaasad ahaanna aan xasilloonayn, balse Ghana oo ah waxa loogu yeero dimoqraadiyadda ugu wanaagsan Galbeedka Afrika wax uu soo bandhigo ma hayo aan ka ahayn madax musuq ah.”
Somalia Football Association unveils new gym for its National Teams.
Ghana FA, three-time World Cup participants and African football powerhouse, has not a single treadmill. pic.twitter.com/SjGPJsl93P
— Saddick Adams (@SaddickAdams) May 26, 2021
Hadalsame Media