(London) 24 Maajo 2021 – BBC ayaa iyadoo kasoo kabanaysa fadeexad hore oo ku saabsanayd khiyaano ay kula kacday Princess Diana oo ay saamayn xun ku yeesheen waraysi ay ka qaadeen oo burburiyey xiriirkeeda ayaa waxay faraha la gashay mid kale kaddib markii ay shaqaalaysay werriye mar soo qoray hashtag la yiraahdo “#HitlerWuuSaxnaa”.
A statement on today’s report of The Dyson Investigation pic.twitter.com/uS62CNwiI8
— The Duke and Duchess of Cambridge (@KensingtonRoyal) May 20, 2021
BBC ayaa lagu haystaa sababta ay dib ugu raaci waydey diiwaanka baraha bulshada ee weriyaha dhinaca dhijitaalka ee Tala Halawa. Qaar kalena waxay ku doodayaan inay ka niyad jabeen in BBC-du aysan jawaabtii ku habboonayd ka bixinin eedaha Yuhuud nacaybka ah ee lagu eedeeyey weriyaha, sida ay ku doodayaan.
Arrinta Halawa ayaa waxaa waynaysada hoos geeyey dad Israeli ah, kuwaasoo ka caroodey muuqaal ay faafisay oo muran dhalis ah kaasoo ku saabsan taageerada Bella Hadid ee Falastiin.
Dadkan ayaa soo qufay tweet-yadii hore ee Halawa, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo isir nacayb ah sida hashtag la yiraado “#HitlerWasRight” iyo qaar kale oo ay mid ku sheegayso in Yuhuudda ”dib u dejin looga sameeyo Maraykanka” iyo in ”Yuhuuddu ay ka cunsurisan tahay Hiter.”
Gabadhan oo ay BBC shaqaalaysay 2017 ayaa ka shaqaynaysey qaybta BBC Monitoring ee la socota baraha bulshada lafteeda, waxaana haatan gebi ahaanba la tiray koontadeedii Twitter.
Outrageous: Tala Halawa is a journalist for @BBC who believes that “Hitler was right.”
Keep this in mind when you read their biased coverage of #Israel.
H/t @GnasherJew pic.twitter.com/JoPETGtDqV
— Gabriel Rosenberg (@GabRosenberg) May 23, 2021
As former BBC, I’m pretty sympathetic to some of the flak they take. But if they really apppointed this sensitive post without a basic social media search on the candidate’s name + ‘Israel’, hell mend ’em.
BBC journalist: ‘Hitler was right’ https://t.co/fVgCHws9n3 via @spectator
— Ruth Davidson (@RuthDavidsonPC) May 23, 2021
Hadalsame Media