RASMI: Xukuumadda oo ku dhawaaqday inuu saaka furmayo Shirka Wadatashiga Doorashooyinku

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2021 – XF Somalia ayaa ku dhawaaqday inuu si rasmi ah saaka u furmi doono Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, sida uu sheegay Afhayeenka XF, Ibraahim Macallimuu.

“Subax wanaagsan. Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS,” ayuu u qoran yahay qoraal kasoo baxay XF.

“Madaxda ka qeyb galeysa shirka waa ay soo wada xadireen, waxa u dambeeyay oo goor dhow inshallah soo dagaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe)

“Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.

“Akhbaaraadka la xiriira furitaanka shirka iyo waxii kale ee soo kordha waa idiinla soo wadaagi doonaa had iyo jeer.” Ayuu kusoo afjaray.

Shirkan ayaa imanaya kaddib markii ay fashilmeen isku dayo ay horseed ka ahayd Madaxtooyadu oo muddo kororsi ah, kuwaasoo keeni jirey in ay wada hadalladu fashilmaan.

Hadalsame Media