(Borno) 21 Maajo 2021 – Hoggaamiyihii kooxda argagixisada ah ee Nigeria ee Boko Haram, Abubakar Shekau, ayaa la sheegayaa inuu si xun u dhaawacmay kaddib markii uu isku dayey inuu is dilo si uu uga fursado in nolosha lagu qabto kaddib markii ay isku dheceen koox kale oo Daacish ku xiran.
Sida ay sheegayaan ilo sirdoon, kooxda Boko Haram ayaa beryihii dambe dagaal qaraar kula jirtey kooxda Islamic State West Africa Province (ISWAP) iyagoo isku haysta meelo ka tirsan Gobolka woqooyi bari e Borno, halkaasoo ay ISWAP hadda ku xooggan tahay.
Kooxda ma naxayaasha ah ee Boko Haram oo soo caan baxday 2014 markii ay qafaasheen 300 oo gabadho iskuulleey ah, ayaysan cusbayn in la sheego in hoggaankoodu uu si xun u dhaawacmay ama xitaa dhintay, iyadoo haddii uu warkani xaqiiqoobo ay tani jug wayn ku noqonayso.
Kooxdan ayaa awalba wajahaysey duqaymo ba’an iyo askar ka goosanaysa kaddib markii ay qaddiyadoodu u muuqatay mid aan dadka qaar u cuntamaynin, iyadoo ay xogta sirdoonku sheegayso in Shekau iyo raggiisa lagu hareereeyey meel ka tirsan kaymaha Sambia, markaasoo lagu amray inuu is dhiibo.
“Si aan loo qabanin, Shekau xabbad buu xabadka iskaga dhuftay, taasoo garabkiisa ka dustey. Si xun ayuu u dhaawacmay.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay sirdoonka oo sheegay inuu baxsaday, halka ay warar kale sheegayaan inuu bambo isku qarxiyey.
Hadalsame Media