XOG: Beegsi gaar ah oo ka soconaya Gobolka Banaadir (Dadkii ugu badnaa oo xilal looga qaaday si sharci darro ah)

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2021 – Waxaa isa soo taraysa arrin si wayn u jebinaysa Dastuurka Dalka oo ka socota Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, halkaasoo shaqaale rayid ah lagu sameeyey gabood fallo ay ka mid yihiin shaqo ka cayrin aan sabab lahayn iyo mushahar ka jarasho.

Dadkan ayaa la sheegayaa in aan lagu haysanin waajib gudasho la’aan balse lagu qabsaday inaysan daacad u ahayn nidaamka MW Farmaajo ee haatan xil-gaarsiinta ku jooga.

Sida lagu qoray Caasimada Online, ilaa 70 qof ayay haatan marayaan dadka shaqada laga eryay, kuwaasoo ahaa shaqaale wada rayid ahaa oo ka tirsanaa Dowladda Hoose, iyadoo aan weli wax war ah laga haynin Maamulka Gobolka.

Dadka sida tooska ah loogu haysto aragtidooda siyaasadeed ee shaqooyinka laga eryey waxaa sidoo kale ku jira kuwo ay horay u shaqaaleeyeen siyaasiyiin mucaarad ah, taasoo ka hor imanaysa xorriyadda fikirka iyo hadalka maadaama uu dalku haysto nidaam dimoqraadi ah.

Waxaa horay loo ogaa in la eryey 21 shaqaale oo ka tirsanaa Gobalka Banaadir, kuwaasoo ay badanaa keeneen RW hore, Xasan Cali Khayrre, Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senatar Dhegey, Mustaf Dhuxulow iyo qaar kale.

Arrintan ayaa sidoo kale kahor hor imaneysa heshiiskii Ra’iisul Wasaare Roobe iyo Mucaaradka ee dhigayey inaan la beegsan dadka ka aragtida duwan dowladda, waana xafiiltan heer hoose ah oo aan u wanaagsanayn sumcadda awalba sii xumaanaysey ee nidaamka haatan sii degaya.

Hadalsame Media