(Ankara) 21 Maajo 2021 – Turkey oo horay u degsadey qorshe ahaa inuu ka faa’iidaysto badihiisa haddii ay ahaan lahayd dhanka kalluumaysiga, dalxiiska iyo sahanka shidaalka ku jira ayaa haatan kaalin kale oo muhim ahna galay.
Turkiga ayaa kordhiyey tirada xeebaha nadiifka ah ee loo yaqaan Blue Flag, kaddib markii uu sameeyey mashaariic badan oo dhanka bay’ada ama degaanka ah, wuxuuna maanta leeyahay 519 xeebood oo nadiif ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Bay’ada iyo Magaalaynta dalkaasi.
Abaalmarinta Blue Flag Award oo sanad kasta lagu dhawaaqo ayaa lagu helaa nadiifnimada xeebaha, adeegyada dalxiis ee laga heli karo sida doonyaha tamashlaha ee la ijaarto iyo tayada baddeeda, iyadoo si uu dalku abaalmarintaas u helo looga baahan yahay howlo badan oo dhanka bay’ada, wacyi dhiska bulshada, badbaadada, iwm.
Qiimaynta dunida oo 2021 lagu sameeyey 49 dal kuwaasoo ku kala yaal Aegean iyo Badda Dhexe, wuxuuna Turkigu ka galay kaalinta 3-aad isagoo xeebihii sanadkii hore kusoo biiriyey 33 jasiiradood oo cusub, waxaana ka sarreeya Spain oo leh 615 xeebood oo nadiif ah iyo Giriigga oo leh 545.
Halka aanu Turkigu lahayn badwayn, dalka Somalia oo leh xeebta ugu dheer dhulwaynaha Afrika, isla markaana inteeda badani kusii jeeddo biyo ballaaran oo badwayn ah, ayaan nasiib darro wax qorshe ah ka lahayn dhankaas, iyadoo ka kori la’ siyaasado maangaaban oo aan guriga dhaafsiisnayn, balse Somalia ayaa ka mid noqon karta dalalka dunida uga tilmaaman dhanka badaha, haddii lala yimaado qorshe qaran oo micne leh.
Hadalsame Media