Garsoorayaal Talyaani ah oo fadeexad lagu helay oo magacyadooda la kashifay

0

(Roma) 21 Maajo 2021 – Wakaaladda ANSA ayaa soo bandhigtay magacyada garsoorayaal Serie A ah oo lagu helay fadeexad wax is dhaafin dhanka kharashka ah, kuwaasoo lagu kala sheegay Fabrizio Pasqua, Federico La Penna iyo Ivan Robilotta.

Jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga ee AIA ayaa horay u xaqiijisay in si taxaddar ku jiro howsha looga joojiyey garsoorayaal aysan magacaabin, kuwaasoo uu ku socdo baaritaan uu sameeynayo Xiriirka FIGC.

Waxaa tillaabadan la qaaday kaddib markii ay xisaabta foomamka ay buuxiyeen ay ka muuqdeen waxyaabo is diiddan iyo kharashaad aan caadi ahayn.

Yeelkeede, xilligaa lama magacaabin oo waxaa kaliya la sheegay 3 garsoore iyo 4 calan wale, balse ANSA ayaa haatan magac dhowday 3-da garsoore oo kala ah; Pasqua, La Penna iyo Robilotta.

Midkoodna looma saarin kulamada ugu dambeeya Horyaalka Talyaaniga ee todobaadkan xirmaya.

Hadalsame Media