(Muqdisho) 20 Maajo 2021 – RW xil-gaarsiinta ah ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan hordhac ah Hotel Decale ee Muqdisho kula yeeshay Madaxda Maamul-goboleedyada haatan Xamar ku sugan iyo Gobolka Banaadir, sida uu sheegay Afhayeen XF.
”Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha K/Galbeeed Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Ibraahim Macallimuu.
”Inshallah wax berri ku soo biiraya Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyi Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) markaas oo inshallah shirka si rasmi ah u furmi doono.” ayuu raaciyey, isagoo aan fasirin sababta kulanka haatan dhacay.
Waxaa Sabtiga lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo Shirka qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaasoo la filayo in ugu dambayn heshiis looga gaaro arrimaha cakiran ee mudada jiitamayey, waana markii ugu horreeysey ee uu RW hoggaaminayo howsha geeddi socodka.
Hadalsame Media