RW Rooble oo haysta fursad DAHABI ah oo ay isaga ku xiran tahay inuu ka faa’iidaysto

0

(Hadalsame) 20 Maajo 2021 – Fursadaha taariikhiga ahi mar mar ayey ku soo maraan. Laakiin dadka ay soo maraan oo dhammi kama wada faa’iidaystaan.

PM Mudane Maxamed Xuseen Rooble, maanta taariikhdu fursad weyn ayey u furtay, waxaa la eegayaa inuu galo iyo inuusan gelin ama ka baqo.

Ma ogyahay Mudane Rooble, mase loo sheegay maanta qofka ugu badan ee 15 malyan ee soomaali ahi soo eegeyso tallaabada uu qaadayo inuu isaga yahay ee aanu qof kale ahayn?

Ma ogyahay Mudane Rooble, mase loo sheegay, taariikhda inaan go’aammada caadiga ah lagu gelin? Ma ogyahay Mudane Rooble, mase loo sheegay, in Madaxweynayaasha: Heerka (Federaalka) iyo (Gobollada) ay horay isugu ilka beeleen oo aan xiisa badan loo hayn, laakiin isaga indhaha lagu hayo bal go’aammaduu qaato?

Ma ogyahay Mudane Rooble, mase loo sheegay, Go’aammada kharaari inaaney dadka is haya wada raalli gelin, (garina laba ka wada qoslin) haddii uu dadka wada raalli gelin rabana in aanu is lurin u roontahay? Ma ogyahay Mudane Rooble, mase loo sheegay, in soomaalidu ku hal qabsato erey caan baxay oo leh: War masjidka ciyaarta hallaga daayo.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media