Koongarayska Maraykanka oo doonaya inuu hor istaago hub uu MW Joe Biden u fasaxay Israel

0

(Washington, DC) 20 Maajo 2021 – Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka ayaa meel mariyey qaraar hor istaagaya in hub ku kacaya $735 milyan oo doollar laga iibiyo Israel, taasoo dhan ka ah duqaymaha Gaza.

Xildhibaanadda isbedel doonka ah ee Alexandria Ocasio-Cortez ayaa qaraarka hoggaaminaysa iyadoo ay wehlinayaan Mark Pocan iyo Rashida Tlaib. Waxaana qaraarkan lagu doonayaa in lagu baajiyo iibka hubkan.

Tillaabadan ayaa ka duwan tii Maraykanka oo sanado badan hubka ka iibin jirey Israel, isagoo aan marna ka dalban inay xushmayso xuquuqul insaanka Falastiin.

“In aannu sidaa yeelno waxay si toos ah ugu lug yeelanaysaa geerida, barakaca iyo kala haatinta malaayiib rayid ah.” ayay ku doodday Ocasio-Cortez oo sheegtay inay khalad tahay in Netanyahu la siiyo hub uu colaadda kusii daba dheereeyo.

MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa horay 5-tii bishan Maajo u ogolaaday in hubkaa laga iibiyo Israel oo inta badan lacagta ay ku iibsanayo xitaa ka qaadata isla Maraykanka, balse Koongarayska Maraykanka ayaa weli celin kara ama shuruudayn kara hubkaasi, waloow ay tahay inay labada aqal u dhamaadaan.

Hadalsame Media