(Muqdisho) 20 Maajo 2021 – Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegayaa in lagu soo kordhiyay diidmo ku aaddan in qofka Baasaboor loo gooyo haddii ay tintu ugu jaran tahay hababka qaar.
Warar xog ogaal ah oo nasoo gaaraya ayaa sheegaya in jarmooyinka la diidayo ay ka mid tahay Jeegadu, taasoo ay door bidaan dhallinyaro badani.
Waxaa lasoo sheegayaa in dhaqankan oo aan horay uga mid ahayn hab-raacyada wax lagu diido, isla markaana aanay dadku wacaal guud ka haynin, ay keentay in ay dad badani fara marnaan uga soo noqdaan rugaha Hay’adda Socdaalka.
Dadka qaar ayaa ku doodaya in haddii uu jiro go’aan rasmi ah oo ka soo ka baxay hay’adda, ay ku fiicnayn in wargelin guud bulshada la siiyo ama lagu daabaco webabka hay’adda, haddii uu yahay go’aan uu qof kaligii iska gaareyna ay khalad tahay farsamo ahaan.
Hadalsame Media